U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegtay Iney Qabatay Rag Qaraxyo Ka Fulin Lahaa Dalkeeda

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtey iyadoo kaashaneysa sirdoonka Soomaaliya 6 ruux oo Labo kamid dalkeeda kasoo jeedaan, kuwaasi oo ay sheegtay iney wadeen walxaha qarxa oo ay ku wajahnaayeen dalkeeda.

Taliyaha Ciidamada booliska Kenya Joseph Boinett, ayaa sheegay in raggan ay rabeen in weeraro qaraxyo ah ay ka fuliyaan Kenya, balse ay ku guuleysteen iney gacanta ku dhigaan.

Wuxuu sheegay taliyaha in raggan lagu qabtay howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeeya magaalooyinka B/xaawo iyo Mandheera, welina ay wadaan howlgallo kale.

Taliye Boinett ayaa sheegay in C/laahi Daa’uud iyo Ismaaciil Isaaq ay kasoo jeedaan Mandhera, loona maleynayo iney iyaga hoggaaminayeen qorshan weerarka lagu qaadi lahaa.

Afarta kale ee la qabtay ayuu Boinett ku sheegay magacyadooda Maxamed Cali Weydoow, Xasan Aadan Buulle, Xasan Maxamed Jaamac iyo Axmed Maxamed Muuse, kuwaasi oo dhammaan baaritaaanno kale lagu hayo.

Ugu dambeyn,  Taliyaha Ciidamada booliska Kenya Joseph Boinett, ayaa sheegay in raggan ay soo taagi doonaan maxkamad marka uu dhammaado baaritaanka lagu hayo.

Goobjoog News