U bood dhigaalka

Kenya oo Sheegtey in Ay Soomaaliya Ku Celineyso 100 Kun Qaxooti ah

Sheeko:Dalka

Mas’uul u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegey in ay dowladda qorsheyneyso in ay dalkooda ku celiso illaa boqol kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah marka la gaaro dhamaadka sanadka.

Waxa ay tani qeyb ka tahay isku dayga Kenya ay ku dooneyso in ay ku xirto xerooyinka qaxootiga Dhadhaab ee ay ku jiraan dad ka badan 3 boqol oo kun oo qof oo Soomaali u badan.

Hadda illaa dhawr kun ayaa kusoo laabatay gudaha dalka, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka, iyada oo wali ay ay socoto dib usoo laabashada dadka.

Dowladda Kenya ayaa qaxootiga Soomaalida ku eedeysey weeraro joogto ah oo dalkaasi ka dhacay in ay qeyb ka yihiin, gabbaadna u yihiin dadka dhibka ka geysa gudaha Kenya.

Dadka lasoo celinayo ayaa waxaa la doonayaa in ay iskood u doortaan in ay soo laabtaan iyaga oo aanan la qasbin, balse waxaa jira cadaadis ka imanaya dowladda Kenya oo dadka ku qasbi kara in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Hadalkani Kenya ayaa imanaya xili dalka Yemen laga soo daadgureynayo illaa 3 boqol kun oo qof Soomaaliyeed oo halkaasi ku xayiran, dagaalana ay ku qabsadeen.

Goobjoog News