U bood dhigaalka

Kenya Oo Xirtay Xuduudda B/xaawo Ee Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa xirtay xuduudka degmada B/xaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo dadku maalin walba si caadi ah isaga kala gudbi jireen.

Xiritaanka xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan waxaa ay saameysay nolosha qoysas badan oo isaga gudbi jiray Baladxaawo Soomaaliya iyo Mandheera oo ah gobolka waqooyiga Kenya.

Ganacsigii ayaa sidoo kale ay arrintani saameyn ku yeelatay waxaana la soo sheegayaa in dadka shacabka ah aysan ka gudbi Karin xuduudda oo dhinaca Mandheera aan loo tallaabi Karin.

Kumanaan arday Soomaaliyeed oo wax ka baran jiray magaalada Mandheere ayaa waxaa hakad galay waxbarashadooda.

Ciidanka Kenya ayaana xuduudda ay u xiran tahay sida ay u sheegeen Goobjoog FM waalidiinta ardayda ay waxbarasho la’aanta ku dhacday iyo dadkii ka ganacsigood uu isaga kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Kenya.

Waxay Kenya halkaasi soo dhoobtay Milatari badan iyo dabaabaadka dagaalka, taasi oo dadka qalqal ku beertay.

Ulajeedka Kenya u xirtay xuduudda aan rasmiga ahayn ee Labada dal weli lama oga.

Goobjoog News