U bood dhigaalka

Kenya: Qaraxii Lagu Bilaabay Weerarkii Kulbiyow Waxaa Fuliyey Qof Kenyan Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ay Xarakada Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidankooda ku lahaayeen degmada Kulbiyow ee Jubada Hoose ay ka qeybqaateen dagaalyahanno u dhashay dalalka Tanzania iyo Kenya.

Afhayeen u hadlay Kenya ayaa sheegay in qaraxii ugu horreeyey ee weerarkaasi lagu bilaabay uu fuliyey qof u dhashay dalkooda, walibana si aad ah ugu hadlayey Sawaaxiliga looga hadlo dalkaasi.

Waxa uu sheegay Afhayeenkan in sidoo kale dagaalyahannada Soomaalida ee Al-shabaab ka tirsan ay iyaguna dagaalka si toos ah uga qeybqaateen iyaga iyo kuwo u dhashay Tanzania.

“Qofkii fuliyey qaraxii Kowaad waxa uu ahaa Kenyan, waxaana weerarka dagaalka tooska ahaa ka qeybqaatey dagaalyahanno Soomaali iyo kuwa Tanzania u dhashay” ayuu yiri Afhayeenka.

Saraakiil u hadashay ciidanka Kenya waxay sheegeen in dagaalkii Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidanka Kenya ku lahaayeen Kulbiyo ay ka qeybqaateen dagaalyahanno tiradoodu gaareyso 500.

Al-shabaab waxay sheegeen in weerarkaasi ku dileen askar badan oo Kenya ah, halka dowladda Kenya iyana ay sheegtay iney dishay dagaalyahanno ku dhow 100.

Goobjoog News