U bood dhigaalka

Kenya : Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya Xad Gudub Ayay Nagu Hayaan

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta dalka Kenya Fred Matiang’I oo maanta hadlay maanta ayaa eedeyn u jeediyey shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyey in ay shucaac iyo qalqal ku furayaan kanaalada isgaarsiinta dalka Kenya.

Waxa uu sheegey in qalabka isgaarsiinta ama biraha siinka eek u rakiban magaalooyinka xuduudaha ee Soomaaliya ay qalaanqal badan galiyeen isgaarsiinta Kenya, taasina ay kasoo cawdeen ciidamada militariga Kenya iyo waliba sirdoonka dalkaasi.

Waxa uu sheegey in arrintani uu labo bilood ka hor kala hadlay dowladda Soomaaliya, balse aanan waxbo laga qabanin, maadaamaa isgaarsiinta Soomaaliya aysan ahayn kuwa shati heysta, islamarkaasina la koontaroolo.

Wuxuu balan ku qaaday in ay talaabo ka qaadi doonaan shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida haddii arrinta sii socoto.

Goobjoog News