U bood dhigaalka

Kenya: Somaliland Waxa Aan Ula Dhaqanaa In Ay Kamid Tahay Soomaaliya!

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland, xilli ay sheegtay in ay Somaliland ay u aqoonsan tahay in ay tahay dal ka tirsan Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in weli Somaliland aysan u soo gudbin codsi ay ku aqoonsanayaan balse ay Somaliland ula dhaqmaan in ay tahaya xubin ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Raychelle Omamo oo ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya uu xiriir fiican kala dhaxeeyo Somalilandna ay tahay qeyb kamid ah Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa December 2020 booqasho ku tagay magaalada Kenya, xilligaas oo ay xukuumadda Muqdisho isku dhacsanaayeen Nairobi.

Goobjoog News