U bood dhigaalka

Kenya: Soomaaliya Eedeynteeda waa mid ay ku Qarineyso Ballamihii ay uga Baxday Bulshadeeda

Sheeko:Amniga

Dowladda Kenya ayaa jawaab ka bixisay eedeynta dowladda federaalka ah ee ku aadan faragelinta ay ku heyso arrimaha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo looga jawaabayo qoraallo ay horay u soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeymaha Soomaaliya yihiin qaar aan waxba ka jirin isla markaana lagu qarinayo ballamo ay uga baxeen shacabka Soomaaliyeed.

“Kenya waxaa lagu yaqaan arrimaha nabad ilaalinta gobolka iyo ka fogba, wasaaradda arrimaha dibadda waxay ku faaneysaa iney Kenya qeyb weyn ka qaadatay dadaallada nabadda ee Soomaaliya oo weliba Kenya dhib badan uu ka soo gaaray, welina waan sii wadeynaa  dadaalka nabadda iyo amniga gobolka iyo meel ka fog”.

Dhinaca kale, Kenya ayaa gabi ahaanba iska diiday eedeymaha loo soojeediyey iyada oo qoraalka ku sheegtay ““Kenya waxaa ay diideysaa eedeymaha been abuurka ah ee ay soojeedisay dowladda federaalka ah, waxna kama jiraan faragelinta ay sheegtay ee arrimaheeda,  eedeymahan waa mid ay dowladda federaalka ah ku qarineyso ballamihii ay uga baxday bulshada Soomaaliyeed. Kenya waxaa ay ugu baaqeysaa dowladda federaalka ah iney joojiso ololahan, hana u adeegsato awoodeeda iney  wax ugu qabato dadkeeda”.

Kenya ayaa sidoo kale ka hadashay in arriamaha ay dowladda federaalka ah uga dan leedahay iney hesho awood siyaasadeed oo waqti gaaban ah.

Akhriso, Qoraalka Kenya: