U bood dhigaalka

Kenya Waa Inay Dib U Eegtaa Xeeladaha Looga Hortago Weerarrada Argagixiso Si Wax Looga Qabto Xadgudubyada.

Sheeko:Dalka

Afar sano ka hor bishaan oo kale, dagaalyahanno hubeysan ayaa weeraray Jaamacadda Garissa iyagoo dilay 147 qof oo u badnaa arday. Wuxuu ahaa mid ka mid ah weerarradii ugu xumaa ee abid ka dhaca ciidda dalka Kenya. Kooxda saldhiggeedu yahay Soomaaliya ee Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas waxayna weli sii waddaa weerarrada ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya. Alshabaab ayaa ku macneysay weerarkaas mid looga aargudanayey ciidanka Kenya ee gudaha u soo galay dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa iyadoo ka jawaabeysa weerarkaas lagu qaaday Jaamacadda Garissa waxay xarig u geysatay dad laga soo qabtay guryahooda iyagoo aan badankood maxkamad la hor-geyn waxaana ka mid ah meelaha dadkaas laga soo qabtay Garissa, Wajir iyo deegaanka Mandera. Hay’adda u doodda xuquuqda bini’aadamka iyo hay’ado kale ayaa ogaaday in Militeriga Kenya ay dileen oo jirdilna u geysteen boqollaal qof oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin kooxda Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, afar sano kaddib, waxaa muuqata in xeeladahaas adag ee lagu xakameynayo xarrakada Alshabaab inaysan ka joojineyn weerarrada ay ka geysato gudaha dalka Kenya. Bishii January, in ka badan 20 qof ayaa lagu dilay weerar loo geystay hotel casri ah oo ku yaalla magaalada Nairobi iyo deegaanno kale oo ay joogaan ciidamo xooggan. Alshabaab weerarradeeda Garissa illaa maanta waa kuwo socda.

Dadka Muslimiinta ah iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayey saameyn xooggani ku yeesheen hawlgallada xad-gudubka leh ee ciidanka Kenya waxayna marar badan ka sheegeen saxaafadda inay ku adag tahay aaminaadda iyo wada-shaqeynta ay u hayaan ciidamada ammaanka ee dalka Kenya. Hoggaanka bulshada woqooyi bari Kenya oo ay ka mid tahay Garissa ayaa u sheegay Human Rights Watch 2015kii in si aan wanaagsaneyn loo bartilmaameedsado waxyeellooyinna loo geysto.

Magaalada Garissa, Boliiska iyo Milateriga ayaa lagu eedeeyey inay fuliyaan weerarro fool xun oo ka dhan ah dadka deegaanka iyagoo jawaab uga dhigaya weerarrada Alshabaab. Dowladda ayaa si furan ugu eedeysa dadka deegaanka inay gabbaad siiyaan weeraryahannada iyagoo sida xukuumaddu sheegtay diiday inay soo gudbiyaan xogta dadka la tuhunsan yahay.

Dowladda Kenya si muuqata uma cambaareyn umana baarin xadgudubyada ciidankeeda ammaanka iyadoo ay jiraan qoysas dhibbaneyaal ah oo u gudbinaya dacwado Boliiska. Haddii Kenya ay rajo ka qabto inay taageero uga hesho dadka deegaanka dagaalka ay kala hor-jeeddo Alshabaab waa inay ku dartaa tillaabooyinka ay qaadeyso mas’uuliyad iyo baaritaanno lagu sameynayo ciidanka Kenya.