U bood dhigaalka

Kenya: Waan Fulinnay Heshiiskii 14-kii November

Sheeko:Amniga

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in dhankooda ay dhaqan geliyeen dhammaan qodobadii lagu heshiiyey 14-kii November ee sanadkan.

Qoraalka waxaa lagu xusay in duulimaadyada ka taga Muqdisho ay toos u tagi-doonaan Nairobi halka kuwa meelaha kale ka yimid mari doonaan Wajeer.

Dhanka kale, dal ku galka diblomaasiyiinta, shaqaalaha dowladda  iyo xildhibaannada ayaa lagu bixi doonaa Airportiga Nairobi.