U bood dhigaalka

Kenya: Waxaan Dilnay 7 Al-shabaab Ah, Hubna Waan Qabsannay

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in howlgallo ay ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

PM Njuguna oo ah afhayeen u hadlay ciidanka difaaca dalka Kenya ayaa jariiradda Daily Nation u sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in halkaasi ku dileen 7 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab sidoo kalena kusoo qabsadeen hub badan.

Hubka ay soo qabsadeen ayuu ku kala sheegay 9 qori oo AK-47, rasaas badan iyo Bambooyin.

Dhankooda ayuu sheegay iney uga dhaawacmeen oo kaliya Labo askari, howlgalkana uu ahaa mid qorsheysan.

Ugu dambeyn, Afhayeenkan u hadlay ciidanka difaaca Kenya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan weerada ay ku qaadayaan Al-shabaab.

Dhanka Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin wararkan sheegaya in laga dilay dagaallamayaal lagana qabsaday hubkaasi.