U bood dhigaalka

Kenya: Xildhibaan Aadan Barre Ducaale Oo Ugu Baaqay Soomaalida Xaafadda Islii, La Shaqeynta Ciidanka Amniga

Sheeko:Dalka

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya ahna xildhibaanka laga soo doorto magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi Bari Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, gaar ahaan Xaafadda Islii ugu baaqay in laamaha amniga ay la shaqeeyaan gacmahana ay is qabsadaan.

Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Islii ku dhaqan uu mas’uuliyad ka saaran yahay inay ciidamada la shaqeeyaan si loo helo amni dadka ku wada shaqeysto.

“Bulshada Soomaalida ee i horfadhida ee Reer Islii iyo meel walba oo dalka ah kuwa jooga mas’uuliyad ayaa wadankaan idinka saaran, inaad dowladda la shaqeysiin, hadii nabadgalyo la waayo ganacsiga ma shaqeynayo, masaajidda lama aadayo, caruurteena Iskuullada ma aadayaan, marka nabadda nin walba ayaa u baahan, bulshada Soomaalidaa u baahan, waa in aad mas’uuliyaddaasi kasoo baxdiin oo aadan noqon dadka lagu xanto in ay nabadda dhibaato ku yihiin”

Aadan Barre Ducaale ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda Kenya ay canshuur aad u badan ka hesho xaafadda Islii oo Soomaali badan ku nool yihiin.

“Islii waxaan u aqoonsannahay in ay tahay dhaqaalaha Canshuurta wadankaan oo 99% wadankaan lagu hormariyo, qeyb weynna ay ka timaado ganacsiga ay bulshada Soomaalida ah ka wadaan xaafadda Islii, marka muhiim ayeey u tahay wadanka, ururka canshuurta gura ee wadankaan markaan la sheekeysanno, xaafadda Islii, Westland iyo Bartamaha magaalada ayaa ugu badan meelaha laga helo Canshuurta wadanka”

Ugu Dambeyn Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in mar uu kasoo qeybgalay munaasabaddii Caleemasaarka madaxweynaha Jubbaland uu la kulmay xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, kana dalbaday in ay joojiyaan mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjoog News