U bood dhigaalka

Kenyatta: Bulshada Soomaaliyeed Haka Faa’ideystaan Howlgallada Ay Wadaan AMISOM

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan waxa uu ugu yeeray howlgallada ciidamada AMISOM ee ay ka mid yihiin kuwa dalkiisa, ee Al-shabaab uga saarayaan deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Kenyatta ayaa muujiyay in ciidamada Midowga Africa ay Al-shabaab ka qabsadeen deegaanno badan oo horay u haysteen kuwaasi oo ku yaalla koonfurta dalka.

Waxa uu madaxweynaha Kenya u mahadceliyay ciidamada dalkiisa ka jooga Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay inay naftooda u hureen difaacidda dalkooda iyo sugidda amniga Kenya.

Kenyatta ayaa hadalkaan ka sheegay kadib markii Isbitaallada magaalada Nairobi ku booqday qaar ka mid ah ciidamadii dhawaan ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo halkaasi oo ay ku dhinteen askar badan oo Kenya ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay sii xoojin doonto weerarada ka dhanka ah Al-shabaab ayna gacanta ku dhigi doonaan deegaannada Al-shabaab ka maamulaan gobalada Jubooyinka.

Goobjoog News