Kenyatta Oo Sheegay Iney Furi Doonaan Xadka Soomaaliya Iyo Kenya

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in dhowaan ay furaan xadka aan rasmiga ahayn ee ay wadaan Soomaaliya iyo Kenya.

Kenyatta oo boqolaal shacab ah kula hadlayey magaalada Mandhera ee gobolka NFD ayaa sheegay in muhiim ay tahay shacabka ku dhaqan magaaladaasi iney wada shaqeyn buuxda la yeeshaan ciidamada ammaanka oo ay soo sheegaan Al-shabaab, si loo helo nabad iyo xasilooni.

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha Kenya in furitaanka Xadkan uu muhiim u yahay ganacsiga Labada dal, shacabkana laga rabo iney soo sheegaan cid walbo oo ka tirsan Al-shabaab misane xadkaasi ka gudbeysa.

“Xadka oo inta badan xiran haddii si caadi ah loo furo waxa uu sare u qaadi doonaan dhaqaalaha Labada dal, shacabkiina waa inaad soo sheegtaa in cid walbo oo Al-shabaab ah misane kasoo gudbeysa halkaasi” ayuu yiri Kenyatta.

Dowladda Kenya waxay horey u sheegtay iney xirtay xadka aan rasmiga ahayn ee ay la leedahay Soomaaliya, kadib markii dalkaasi ay gudaha u galeen dagaalyahannada Al-shabaab, amnigoodiina faraha uu ka baxay.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW