U bood dhigaalka

Kenyatta oo UNka u Sheegay Iney Wada Hadal Badda Ah Doonayaan iyo Farmaajo oo u Jawaabaya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlayey kulan madaxeedka jimciyadda Qaramada Midoobey ayaa sheegay in mar walbo ay Kenya ka go’antahay In muranka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya lagu xaliyo wada hadal.

Madaxweyne Kenyatta oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Maamulkeyga waxaa uu si joogta ah u wadaa inuu xiriir la sameeyo Soomaaliya si xal waara looga gaaro muran xadeedka badda ee noo dhaxeeya, isla arrinkan waxaa soo dhoweynayaa go’aanka golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ee 3-da September 2019 oo ku baaqay in la wada hadlo”,

Kenyatta oo hadalkiisa sii wato waxaa uu ku daray In UNka uu Sidoo kale qabo wada hadalka “Sida aan ognahay dastuurka UNka waxaa uu doorbidayaa In wada hadal lagu dhameeyo wixii muran ah, sidoo kale UNka waxaa uu qabaa in xad badeedka dalalka loo sameeyo qaab saxiibtinimo ah”.

Dhinaca kale, ilo u dhow wafdiga madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Farmaajo uu u jawaabi doono Kenyatta, isaga oo ku adkeysan doona In ICJ laga war suga arrinta badda balse ay Muqdisho Soo dhoweyneyso wixii kale oo xiriir darisnimo iyo walaaltinimo ah.

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=VwP4uHVdStM]

Goobjoog News