U bood dhigaalka

Kerry oo Boqanaya Moscow si Looga Heshiiyo Khilaafka Labada Dal

Sheeko:Dalka

Xogheyaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa gaaray caasimadda Ruushka ee Moskow si dalkiisa iyo Ruushka uga heshiin lahaayeen khilaafka labada dhinac.

Kerry inta uu Ruushka jooga ayaa waxaa uu wada hadal la yeelanaya Madaxweynaha Ruushka V. Putin iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda Sergey Lavrov.

Kulankii Sergey Lavrov iyo Kerry waxaa looga wada hadlay weerarka Labada dal ay ka wadaan Suuriya, waxaa kaloo ay ka wada hadleen sidii meesha looga saari lahaa Daacish iyo sidii arrinkaas uga wada shaqeyn lahaayeen.

Mareykanka waxaa ay cunaqabateyn saareen Ruushka markii ay qabsadeen Jaziiradda Ukrain,Ruushka  waxaa uu Mareykanka u sheegtay in argagixisada laheyn qaar fiican iyo qaar xun, isla markaana uu joojiyo qeybinta noocaas ah.