U bood dhigaalka

Kerry Oo Sheegay In Nairobi Lagu Qabanayo Shir Looga Hadlo Doorashooyinka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xogheyaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa waxaa uu sheegay in ilaa 8 dal oo Afrikaan ah ay isniinta kulan ku yeelan doonaan magaalada Nairobi si looga hadlo arrinta Koofura Suudaan iyo xaaladda kala guurka ee Soomaaliya.

Koofurta Suudaan waxaa ka jirta xaalad Qatar ah, arrinta oo qasneed ayaa cirka isku shareertay kadib markii xilka laga qaaday madaxwene ku xigeenka dalkaasi Machar, ciidamadiisa ay ka baxeen caasimadda Jubba.

Dhinaca Soomaaliya, waxaa lagu jiraa xilli doorasho, dhawaan waxaa la filayaa in la doorto aqalka sare, kadibna baarlamaanka si ay u doortaan madaxweynaha dalkam arrintaas oo lacagta ugu badan ay beesha caalamka bixin doonto ayaa lagu wadaa in shirka Nairobi looga hadlo.

Goobjoog News