U bood dhigaalka

Kevin McCarthy oo loo doortay Afhayeenka Congress-ka

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Kevin McCarthy oo kamid ah mudanayaasha Congress-ka Maraykanka ayaa loo doortay Afhayeenka aqalka kadib doorasho adag oo ka dhacay Congress-ka.

Kevin ayaa ku guulaystay wareegga 15-aad kadib markii uu galay loolan adag, waxaana 14- jeer diiday qaar kamid ah xubnaha xisbigiisa Jamhuuriga.

20 xubnood oo xisbiga Jamhuuriga ayaa siyaasigaan dhaliilsanaa hanaanka uu wax u maamulo iyo aragtidiisa hoggaamineed, balse waxaa la sheegay in uu tanaasulaad u sameeyay xubnahaas.

Kevin McCarthy waxaa laga soo doortay gobalka California, waana 57-sano jir muddo dheer ku jiray siyaasadda Maraykanka.

McCarthy ayaa aad u raadiyay codka xildhibaan Matt Gaetz oo ah mid mayal adag, kaas oo ugu dambeyn ka aamusay codeynta.

Tan iyo  1859kii waxaa ay doorashadaan noqotay middii ugu adkeyd taas oo sababtay in ay dhawrjeer ay baaqato kulama ay lahaayeen baarlamaanka iyo hawlihii shaqo ee Congress-ka.

Goobjoog News