U bood dhigaalka

K/galbeed: Hub Ayaan Kasoo Furannay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dagaallo ay la galeen Al-shabaab ay kusoo furteen hub iyo saanad kale oo Milatari.

Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ee maamulka K/galbeed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda ay sameeyeen howlgallo ballaaran oo lagu baacsanayo Al-shabaab, islamarkaana ay ka sameeyeen deegaanno kamid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Waxa uu tilmaamay iney dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab intii howlgalladan ay wadeen, balse ma aanu sheegin tirade dagaalyahannada ay dileen iyo sidoo kale deegaannada xooggooda lagu dagaallamay.

“Ciidamada K/galbeed waxay sameeyeen howlgallo ballaaran, waxaan dilnay rag kamid ah cadowga, waxaan soo furannay hub badan, howlgalkaanna waa uu socon doonaa inta aan cadowga ka xoreyneyno guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed” ayuu yiri wasiirka.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay howlgallo ballaaran ka wadeen deegaanno kamid ah gobollada Baay iyo Bakool, xilli ay jiraaan deegaanno iyo degmooyin ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Goobjoog News