U bood dhigaalka

Khabiir Ka Digay Dhibaatooyin Dhaqaale oo Ku soo Waajahan Dalka Mareykanka

Sheeko:Dalka

Khabiirka dhaqaale iyo Milyaneerka caanka ah ee reer Mareyakan Carl Icahn, ayaa oddorosay in mustaqbal mugdi ah uu ku sucdo suuqa saamiyada ee dalka Mareykanka, waxaanu tilmaamay in maalgashiga suuqa saamigu uu la mid yahay qof khatar u bareeraya.

Carl Icahn ayaa caan ku ah inuu bil kasta u diro shaqaalihiisa warqada furan oo ka hadlaysa aragtidiisa dhaqaalaha dunida. Icahn ayaa ah milkiilaha shirkadda “Icahn Enterprises”, waxaana aad u xiiseeya warbaahinta Mareykanka oo wararkiisa aad u tabiya.

Wareysi Icahn ay la yeelatay wakaaladda Bloomberg ee ka hadasha arrimaha dhaqaalaha ayuu u sheegay; ” Wali waan ka digtoonnahay si aad ah dhanka suuqa saamiyada Mareykanka, waxaan filayaa in maalin madow ku soo fool leedahay, haddii aan suuqa la soo gelin lacago ay dowladdu ku dhiirrigelinayso dhaqaalah, waxaa hubaal ah iney jiraan shirkado wanaagsan, laakiin anigu waan ka feejiganahay, suuqa qiimihiisu waa mid si weyn loo buun buuniyay”.

Maalgashadayaasha Mareykanka ayuu tilmaamay iney waajahayaan  xaalad adag marka laga fiiriyo sicirka faa’idada Bankiyada oo aad u hooseeya, deymaha jaban ee suuqa yaallaana ay keenayaan qiimo beel ku dhaca hantidii shirkadaha, taas oo iyaduna keeni karta, ayuu yiri; in ay dhacdo dhibaato maaliyeed oo saameysa guud ahaan dalka Mareykanka .

Waxa uu Icahn hadalkiisa sii raaciyay: ” Ma oranayo arrinkani waxa uu dhacayaa barri ama isbuuca dambe ama bisha soo aaddan ama sanadkan soo socda. Laakiin waa xaalad dhacaysa shaki la’aan, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la bedelo wadiiqada dhaqaaleheena uu ku socdo”.

Waxa uu khabiirkani tilmamaay in qiimaha adag ee dollarka uu saameyn taban ku yeeshay howlaha shirkadaha Mareykanka ee dunida daafaheeda ka howlgala, iyagoo ku khasaara marka ay lacagaha dalalka ay joogaan u bedelayaan lacagta dollarka oo halkaa waxbadan uu kaga lumo.

Wakhti sii horreysay ee sanadkan hadda aan ku jirno ayaa Carl Icahn iibiyay share-kii uu ku lahaa shirkadda dhinaca  Electronics-ka ee “Apple”, kaas oo gaarayay 45.8 milyan oo Saami, kadib markii shirkaddu ay ku dhawaaqday inuu hoos u dhac dakhligii shirkadda ku yimid 3 bilood ee ugu horreysay ee sanadkan 2016, waana markii ugu horreysay muddo 13 sano ah.

Goobjoog News