U bood dhigaalka

Khaliif Axmed Ereg oo loo magacaabay wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya

Sheeko:War

0441Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa u magacaabay wasiirka amniga qaranka Soomaaliya Jen. Khaliif Axmed Erag. Ereg ayaa hore u soo qabtay xilka taliyaha hay’adda nabad sugidda ee gobolka Banaadir.

Shir Jara’id oo hadda uu wasiirka warfafainta ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya ayuu ku sheegay in gorfweyn dheer kadib Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu u magacaabay wasiirka amiga qaranka Khaliif Maxamed Irig.

Magacaabista ra’iisal wasaaraha uu ku dhawaaqay wasiirka amniga ayaa ku soo aaday xili xalay weerar toos ah lagu qaaday xarunta madaxtooyada oo saldhig u ah madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Khaliif ereg ayaa in badan ka soo shaqeeyay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya, Waxaana dad badan ay aaminsan yihiin inuu wax ka qaban karo ammaanka magaalada Muqdisho oo faraha ka baxayay sababayna in wasiirkii hore ee amniga qaranka mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed uu iscasilo.

Sidoo kale waxaa xilalkii laga qaaday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Saacid iyo agaasimihii guud ee hay’ada nabad sugida Jen. Bashiir Goobe.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM ama www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com

Wararka Goobjoog news