U bood dhigaalka

Khamiista Oo La Isku Raacay In Ay Tahay Curashada Bisha Ramadaan

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Barri ay tahay 30-ka Shacbaan Khamiisna ay tahay Curashada 1-da bisha Ramadaan

Dhanka kale Dowladaha Qatar, Suudaan, Urdun, Kuwait, Sacuudiga, Falastiin iyo Ciraaq ayaa sheegay in Barri oo Arbaco ah ay tahay dhameystirka bisha Shacbaan, Khamiistana ay tahay maalinta 1-aad ee curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Guddiga Baadi-goobka Bisha ee raacsan Wasaaradda Awqaafta ee Qatar ayaa sheegay in Khamiista ay tahay maalinta 1-aad ee Curashada Bisha Ramadaan.

Sacuudiga, warbaahinta gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in aan la arag bisha, waxayna sheegeen in Barri ay tahay 30-ka Shacbaan, Khamiistana ay tahay Ramadaan.

Kuwait ayaa iyadana dhankeeda sheegtay in Arbacada ay tahay 30-ka Shacbaan Khamiisna ay tahay Curashada Ramadaan.

Sidoo kale Suudaan,Urdun,Cumaan iyo Ciraaq waxay sheegeen iyagana in 17 May oo ku beegan Khamiista ay tahay 1-da Ramadaan.

Dhanka yurub Masaajidda waaweyn ee dalka Faransiiska ayaa laga baahiyey in Maalinta Arbacada ay tahay 30-ka Shacbaan Khamiisna ay tahay Ramadaan.

Goobjoog News