U bood dhigaalka

Khan: Aabbaha Nuclear-ka Islaamka Oo Geeriyooday

Sheeko:Amniga

Allaha u naxariiste waxaa goordhaw geeriyooday Saynisyahankii weyna ee Hubka Nuclear-ka dalka Pakistan Abdul Qadeer Khan.

Khan ayaa la sheegay in uu muddooyinkii u dambeyay uu ku xanuunsanayay isbitaal ku yaalla dalka Pakistan, taas oo ugu dambeyn sababtay in uu saaka uu geeriyooday.

Waa Kuma Cabdulqadir Khan

Waxaa gudaha dalka Pakistan loogu yeera Aabbihii Hubka Nuclear-ka Islaamka, maadama uu yahay maskaxdii ka dambeysay in Pakistan ay hubkaan yeelato iyadoo ah dowladda kaliya ee Islaam ee Hubka Nuclear-ka heysato.

Waxa uu 1 April 1936 ku dhashay magaalkada Bhopal ee hoostagta maamulka Madhya Pradesh ee dalka Hindiya.

Sanadkii 1951 ayeey isaga iyo qoyskiisuba ka soo qaxeen dalka Hindiya oo ay ku noolaayeen markaas oo ay yimaadeen Pakistan.

Wuxuu shahaadada injineernimada ka qaatay jaamacad ku taal Nederland 1967, waxa uu sidoo kale shahaadada  PHD Injineerniamada birta uu ka qaatay jaamacad ku taalla dalka Belgium.

Wixii intaas ka dambeyay waxa uu ku biiray dadaallo kharsoodi ahaa oo dalka Pakistaan oo ku horumarinayay sameynta hubka wax gumaada ee Nuclear-ka.

Sanadkii 1974 waxa dalka Hindiya ay tijaabisay qumbuladeedii ugu horeysay hubka Nuclear-ka xilligaas oo uu dalka Holand ku noolaa Abdul Qader Khan, waxaana markaas wixii ka dambeyay uu u wal walay dalkiisa Pakistan.

Waxa uu durma xiriir la sameyay ra’iisul wasaarihii Pakistan ee xilligaas Dul Qafaar Cali Bintuu, oo uu ugu baaqay in Pakistan si ay u noqoto dowlad madaxbanaan loo baahan yahay in ay sameysato Hubka Nuclear-ka.

Sanadkii 1975 waxa uu si lama filaan ah uga soo baxsaday dalka Holand oo uu ku noola kadib markii ay ka shakisay dowladda dalkaas oo lagu tuhmay in uu la shaqeeyo sirdoonka dalka Pakistan.

1976 waxa uu dib ugu soo noqday dalkiisa Hooyo ee Pakistan, waxa uu durba aas aasay machad cilmi baariseed oo ka shaqeya howlaha Nuclear-ka kaas oo 1981-dii isaga loogu magac daray.

28 May sanadkii 1998, waxa ay si rasmi ah dowladda Pakistan u shaacisay in ay yeelatay Awood Nuclear, kaas oo aanay ka warqabin farsameyntiisa iyo aas aaskiisa dowladihii dunida.

Waxaana Pakistan ay awood u yeelatay in aanay dalkeeda si sahlan loogu soo xad gudbin waxa ayna ku biirtay dowladaha dunida ee heysta hubkaas, iyadoo noqotay dowladda kaliya ee Islaam ah oo leh Hubka Nuclear-ka.

Madaxda Ka Tacsiyadeeysay Geerida Cabdulqadir Khan

Guud ahaan mas’uuliyiinta dalka Pakistan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Abdul Qadeer Khan,  oo ka mid ah dadka loogu jecel yahay dalka Pakistan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Abdul Qadeer Khan kaas oo uu sheegay in uu ahaa mid aad loo jecel yahay dalka Pakistan uu ka dhigay mid heysta Quwadda Nuclear-ka.

“Aad baan uga xumahay geerida Dr A Q Khan. Wuxuu jeclaa qarankeenna sababtuna waxay ahayd kaalintiisii muhiimka ahayd ee uu naga dhigay dowlad leh hub nukliyeer . Tani waxay na siisay nabadgelyo. Dadka reer Pakistan wuxuu u ahaa astaan qaran.” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan

Madaxweynaha dalka Pakistan Dr. Arif Alvi, ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida Khan, kaas oo uu sheegay in dalkiisa Pakistan uu ka dhigay dal Quwad leh.

“Waxaa na soo gaaray war aan aad uga xunnahay oo sheegaya geerida Cabdulqader Khan, kaas oo shaqsiyaddiisa la yaqaanay tan iyo 1982-kii, waxa uu naga caawiyay in aan qarankeennu uu yeesho Nuclear, marnaba ma hilmaami doonno” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Pakistan Dr. Arif Alvi.

Dhanka kale guddoomiyaha golaha wakiilada Pakistan ayaa dhankiisa war ka soo saaray geerida Dr Khan.

Qoraal ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa iyo dhamaan mudanayaasha ay aad uga xun yihiin geerida Cabdulqadir Khan.

Waxaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida ku timid khan guud ahaan siyaasiyiinta Dalka Pakistan iyo shacabka dalkaas.

WQ: Abdirahman Sabriye

Goobjoog News