U bood dhigaalka

Khasaaraha Dagaal Boosaaso Ku Dhexmaray Deni iyo Diyaano Oo La Soo Bandhigay

Sheeko:Amniga

Guddiga xog uruurinta dagaal magaalada Boosaaso ku dhexmaray ciidamada PSF iyo ciidamo ka amar qaata madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa warbixin ka soo saaray khasaaraha dagaalka.

Xubnaha guddigaan oo ka kooban mas’uuliyiin iyo isimada Puntland ayaa warbixintooda ku sheegay in dagaalka ay ku dhinteen 22 qof.

Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalka uu dhaawac ka soo gaaray 86 qof, iyagoo ku qiimeeyay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay dagaalka in uu yahay $807,500