U bood dhigaalka

Khasaaraha Guud Ee Ka Dhashay Weerarkii Ambasaddor Hotel

Sheeko:Dalka

Ciidamada Amaanka ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii Ambasaddor Hotel kadib in ka badan 13 saac uu halkaasi dagaal ku dhex marayey ciidamada dowladda iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Meydad ayaa laga helay gudaha iyo dibadda Hoteelka, waxaa kaloo goobta ka muuqata burbur hanti oo culus, Hoteelka, Isbitaalka Daaru Shifa iyo dhismayaal kale oo goobta ku dhawaa waxaa soo gaaray khasaare Maaliyadeed oo xoog leh.

Mas’uulyiin ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta iyo taliyaha NISA oo ka hadlay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegaya in howlgalkii sidaa lagu soo gabagabeeyay, dadkii weerarka soo qaadana la dilay.

Ilaa 4 qof oo meyd ah ayey soo bandhigeen hey’adaha amaanka, iyagoo sheegay in ay ahaayeen dadkii weeraray Hoteelka, lama oga in ay jiraan dadka oo kooxdaas ka tirsan oo dibadda joogay iyo in kale.

Dowladda waxaa ay sidoo kale sheegtay in la soo badbaadiyay in ka badan 50 qof oo ku jiray gudaha Hoteel-ka, waxaa ka mid ahaa qoyska hooyo iyo caruurteeda ah oo weriyaha Goobjoog indhahiisa uu ku arkay.

In ka badan 30 qof oo ay ku jiraan Xildhibaanno iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay weerar galabtii arbacada lagu qaaday Ambasaddor Hotel ee magaalada Muqdisho.

Weriyeyaasha Goobjoog News ee booqday goobaha caafimaadka waxaa ay soo sheegayaan in 53 ay ku jiraan isbitaalka Madiina oo kaliya, halka Isbitaalka Banaadir iyo isbitaallo kale dhaawacyada la dhigay.

24-saac ee la soo dhaafay dilal badan ayaa ka dhacay dalka, Maxamed Dul-Yadeyn ay sheegeen ciidamada Jubbaland in lagu dilay duqeyn ka dhacay duleedka Kismaayo, isla Arbacadii sarkaal ka tirsan NISA ayaa lagu dilay Kismaayo halka qarax kale uu ka dhacay Hotelka Ambasaddor.

Goobjoog News