U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Beeleed Ka Socda Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa maanta dib uga bilowday deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

In ka  badan 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaalkan oo weli socda, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan  yahay.

Wariyaha Goobjoog ee B/weyne, Khaalid Ilka Case ayaa soo sheegaya in dadkii ku dhaawacmay dagaalladan loo kala qaaday magaalooyinka Dhuusamareeb  iyo B/weyne, iyadoo dadka qaarna xaaladooda ay aad u liidato.

Beelahan ayaa isku haya dhul daaqsin ah oo ku yaalla deegaankaasi, iyadoo weli aysan jirin cid kala dhexgashay Labada dhinac, marka laga reebo baaqyo nabadeed oo warbaahinta looga jeediyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News