U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka Ka Socda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Faah faahin horudhac ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug 0o abaare 6-dii aroornimo ee saakay dib uga bilowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa maanta ku fidey xaafado aan horey loogu dagaallamin, waxaana sidoo kale la isku deegsanayaa hub aad u xooggan.

Wararka horudhaca ah ee Goobjoog News ka helayso khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa sheegaya dhimashada ku dhowaad 10 qof oo u badan dhinacyada dagaallamaya iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay 15 qof.

Saraakiisha caafimaadka ee ku sugan Gaalkacyo ayaa inoo xaqiijiyey iney jiraan dad dhaawac ahaan isbitaallada loo geeyey misane halkaasi ku dhintay iyo sidoo kale dad qaba dhaawacyo halis ah.

Dadka waxyeellada soo gaartey waxaa ku jira dad shacab ah oo xaafadihii ay ku sugnaayeen ugu tagtay rasaasta habowga ah iyo sidoo kale madaafiicda aan loo meel dayeen.

Ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa isku adeegsanaya Hoobiyeyaal iyo madaafiic kale oo ku dhaceysa xaafadaha Gaalkacyo sidey inoo sheegeen qaar kamid ah dadka shacabka ee ku harsan Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa ah weli mid socda, waxaana dhici karta in khasaaraha uu intaan ka bato, iyadoo aaney jirin dedaal muuqdo oo lagu daminayo dagaalladan.

War-saxaafadeedyo iska soo horjeeda ayeey maamullada Puntland iyo Galmudug kasoo kala saareen dagaalladaasi, waxaana dhan walbo uu dhanka kale ku eedeynayaa inuu jebiyey heshiiskii dhowaan ka dhacay dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta.

Waxgaradka ayaa maalmihii ugu dambeeyey wadey dedaallo ay ku doonayaan in ay ku damiyaan dagaalka Gaalkacyo, balse waxaa muuqata in dadaalkii ay wadeen uu meesha ka baxay, haddii mar kale maanta la dagaallamayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira, beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa baaqyo kala duwan usoo direy maamullada Puntland iyo Galmudug, taasi oo ku saabsan iney heshiiyaan oo ay joojiyaan dagaallada ka socda Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo waxaa inta badan ka barakacay dadkii shacabka ahaa, waxaana dagaallada socda ay saameyn weyn ku yeesheen dhammaan adeegyadii bulshada ee magaaladaasi.

Ma jiro suuq shaqeeyo oo Gaalkacyo ah, waxaa xiran iskuulladii iyo dhammaan goobihii bulshada loogu adeegi jirey, waxaana intaa dheer burbur soo gaarey meello badan oo magaalada ah.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News