U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Belad Xaawo Iyo Xaaladda Magaaladaasi Oo Maanta Degan

Sheeko:Amniga

Wararka aan saakay ka helayno magaalada Belad xaawo ee gobalka Gedo ayaa waxa ay soo sheegayaan in guud ahaan xaaladda magaalada ay maanta tahay mid degan ka dib dagaal saacado qaatay oo shalay ka dhacay magaaladaasi.

Dhanka kale waxaa ay warar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay, waxaana lagu soo waramayaa in dhaawacyo aad u fara badan la keenay magaalada Muqdisho kuwaasi oo u badan askarta dowladda iyo dad shacab ah.

Sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka khasaaraha soo gaaray dhinacyadii shalay dagaalamay ayaa wadartoodu waxa ay gaarayaan ilaa 30 askari kuwaasi oo ay soo kala gaareen dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobjoogahan uu inoo xaqiijiyay in ciidanka Jubbaland ay ka geeriyoodeen 8 askari halka kuwa dowlada ay ka dhinteen 4 askari iyo dawaaca 18 kale.

Sidoo kale dhiacayada ay dirirtu u dhaxeysay ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkaasi, waxaana jira khasaare maaliyadeed oo uu sababay dagaalkaasi.

Wararka qaar oo aan helnay ayaa sheegaya in wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu gudaha u galay dalka Kenya ka dib markii shalay ciidankiisu ay dagaal adag la galeen kuwa dowladda federaalka ah ay gobalkaasi geysay.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka gobalka Gedo oo haatan ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News