U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Madaafiic Ku Dhacday Degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic dhowr ah oo habeenkii xalay ahaa ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dhowr Madfac oo hoobiye ah ayaa ku dhacay xaafadda Buulo-xuubey iyo sidoo kale xaafado kale oo ka tirsan waaxda Jeneraal Daa’uud ee degmada Wadajir.

13 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay madaaficdan, waxaana la sheegay in mid kamid ah Hoobiyeyaasha uu ku dhacay guri dad shacab ah deganaayeen.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo la hadlay Goobjoog News wuxuu sheegay in dadka qaar dhaawacyadooda ay fududyihiin, islamarkaana lagu daweynayo Isbitaallada Muqdisho.

“Illaa 13 qof ayaa ku dhaawacmay madaafiicka kusoo dhacday degmada, inta badan dadkaasi xaaladooda wey roon tahay oo Isbitaalka waa laga soo bixinayaa, madaafiic qaar ayaa ku dhacay xaafado ay deggan yihiin dad shacab ah, halka kuwo kalena ay ku dhaceen meel bannaan ah” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhowr jeer sidan oo kale degmada Wadajir waxaa ugu soo dhacay Hoobiyeyaal waxyeello u geystay dad shacab ah, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn halka laga soo tuuray madaafiicdii xalay.

Amniga Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay kasoo reynayey sidii hore, walow mararka qaar ay dhacaan falal amniga kasoo horjeeda.

Goobjoog News