U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Bambaano Loo Adeegsaday oo Ka Dhacay Magaalada Jowhar

Sheeko:Dalka

Qarax ka dhacay magaalada Jowhar ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan  dowladda Federaalka Soomaaliya ee saldhigga ku leh xaafadda Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar.

Qaraxan oo habeenimadii xalay ka dhacay magaalada ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 qof oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta qarax lala eegtay guryahooda ku sugnaa, waana sida uu noo xaqiijiyay wareyaha goobjoog ee magaalada Jowhar, Cusmaan Cabdulle.

Ciidamada ayaa howlgallo ay ku baadigoobyaan dadkii qaraxna ka dambeeyay ay ka bilaabeen xaafadda Hanti-wadaag iyo heereheeda iyagoo sheegay iney gacanta ku dhigi doonaan cidii ka dambeysay qaraxa oo ahaa miilno gacanta laga tuuray.

Magaalada Jowhar, 13, Janaayo, ayaa sidan oo kale  qarax loola eegtay caasimadda Kumeel gaark ah ee maamulka Hir-Shabeelle, iyadoo uu ka  dhacay qarax bambaano gacanta laga tuuray oo ay dad waxyeello ka soo gaartay.

Goobjoog News