U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Ismiidaaminta Ee Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay bannaanka hore ee Hoteelka Uunlaay oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku geeriyootay 7 qof oo uu ku jiro ruuxii is qarxiyey waxaana ku dhaawacmay 8 kale oo shacab u badan.

Weerarkaan dadka ku dhintay ayaa kala ah Xisaabiyahii wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug Saciid Cali Yuusuf (Gaadayare), wasiirkii hore ee warfaafinta Galmudug Xasan Ruush, Laba askari oo ilaalo u ahayd xisaabiyaha, Laba wiil oo baalashle ka ahaa Hoteelka banaankiisa iyo ruuxa is miidaamiyey.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarkaan lala eeganayey xisaabiyiha, islamarkaana la isku qarxiyey xilli uu kasoo baxay Hoteelka uuna damacsanaa in gaarigiisa uu galo.

Waxaa weli aad u yar dhaq dhaqaaqa dadweynaha ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo ciidanka Puntland ay halkaasi ka wadaan howlgallo baaritaan ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News