U bood dhigaalka

Khasaaraha Weerarkii Hotelka Hayaat oo Sii Kordhaya iyo Meydad Laga Soo Saaray

Sheeko:Amniga

Waxaa weli hotelka Xayaat ka socda dagaal qaatay wax ka badan 20 saacadood, kaas oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo koox gudaha u gashay hotelka oo habeenkii xalay ahaa weerar lagu loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dhuftay iridda hore , waxaana markaas kadib gudaha ugalay koox hubaysan oo ka dhax dagaalamaya qeybta sare.

Ciidanka Kumaandooska ayaa ilaa iyo xalay isku dayayay inay kasoo badabaadiyaan dad ku go’doomay gudaha, waxaana sacadii dambe soo baxayay in ciidanku qeybo kamid ah hotelka ay galeen iyagoo soo saaray meydadka 10 ruux, kuwaas oo lagu waramayo in ay yihiin Odayaal dhaqameed, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay dhaawaca 10 oo kale sida laga helayo.

Meydadka iyo dhaawaca waxaa soo saaray gaadiidka gurmadka deg deg ah, iyagoo u qaaday Isbitaallada Muqdisho si ay dadkooda ay u aqoonsadaan, ciidanka ayaa habeenkii xalay sidoo kale soo badbaadiyay dad badan oo ay ku jirtay hooyo iyo sedex caruura ay dhashay, waxaana ilaa iyo hadda socda rasaas laga maqlayo guda hotelka oo oo u dhaxaysa labada dhinac.

Dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Hoteka Xayaat waxaa ay yihiin ku dhowaad geeriyooday 15 ruux , waxaana socda ay wadaan ciidan, Al-shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu qaaday hotelka, waxaana suurtagal ah in ay soo baxaan khasaare ka badan in la ogyahay ilaa iyo xilligaan oo wali ay socdaan rasaas iyo qaraxyo ay isku adeegsanayaan ciidanka iyo kooxda.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.Goobjoog News