U bood dhigaalka

Khasaaraha weerarkii lagu qaaday Lamu oo kordhay xilli Al-shabab ay sheegteen

Sheeko:War
Lamu kenya
Askari Kenyaan ah oo taagan meel u dhow baska la weeraray.

Waxaa sii kordhaya tirada dadkii ku dhintay weerarkii xalay lagu qaaday goob u dhow Jasiirada Laamu ee dalka Kenya. Hay’adda bisha cas ee dalkaas ayaa sheegtay in todobo qof oo afar kamid ah ay yihiin boolis ay ku geeriyoodeen weerarka.

Goobta weerarku uu ka dhacay xalay ayaa 6 KM u jirta magaalada Witu oo 50 KM u jirta jasiirada loo dalxiiska tago ee Lamu.

Bisha cas ee Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in shan qof ay ku dhaawacmeen weerarkan.

Masuuliyiin ka tirsan booliska Kenya ayaa diiday inay ka hadlaan warar sheegaya in la la’yahay dad ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga la weeraray, sababo la xiriira cabsi laga qabo in la afduubtay.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan lagu qaaday baska iyo gaariga ay lahaayeen booliska Kenya.

Afhayeenka dhanka howlgallada u qaabilsan Xarakada Al-shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab aua u sheegay wakaaladda wararka AFP in weerarkan uu jawaab cad u yahay dowladda Kenya oo uu sheegay inay faafisay warar ay ku sheegtay inay sugtay amniga deegaankaas.

Jasiiradda Lamu ayaa tan bartamihii bishii June ee sanadkan waxaa ka dhacay  weeraro is xigxigay oo sababay dhimashada dad gaaraya 87 qof sida laga soo xigtay hay’adda bisha cas ee Kenya.

Dowladda Britain ayaa bilowgii bishan ku war gelisay muwaadiniinteeda in ay ka fogaadaan jasiiradda loo dalxiiska tago ee Lamu.

Xarakada Al-shabaab ayaa weerarro noocan oo kale ah hore uga geystay Kenya, iyagoo ku andacoonaya inay kaga jawaabayaan joogitaanka mileteriga Kenya ee Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada midowga Afrika ee kaabaya dowladda federaalka Soomaaliya.

W/D: Cismaan Cabdullaahi Jaamac