U bood dhigaalka

Khasaare Hantiyeed Oo Ka Dhashay Dab Ka Kacay Suuqa Weyn Ee Degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Dab xooggan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka kacay suuqa weyn ee degmada Wadajir gaar ahaan qeybtiisa Qandallada degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare hantiyeed.

Mid ka mid ah dadkii halkaasi ka dhawaa xilliga uu dabkani kacayey ayaa Goobjoog News u sheegay in uu ka billowday kadib koronto ay ka kacday mid ka mid ah Dukaammada halkaasi ku yaalla.

“Walaalow meesha dabka ka cay qandallada ayaa la yiraahdaa, waxaa lagu iibiyaa qalabka dhismaha, dabkani waxaa sabab u ahaa koronti ka kacday dhanka laamiga xigta sidaas ayuuna kusoo faafay” sidaasi waxaa yiri Goob joogaha.

Dabkani ayaa sidoo kale saameeyay Miisas ay wax ku iibsan jireen dadka la yiraahdo waratada, Makiinado cajiin iyo xarumo ganacsi oo halkaasi ku dhaw.

Daminta dabkani waxaa ka qeybqaatay shacabka degmada Wadajir, maamulka gobalka Banaadir, iyo AMISOM.

Waa markii Labaad oo dab sidan oo kale ah uu ka kaco suuqa weyn ee degmada Wadajir, sanadkii tagay 2014-kii ayaa dab baabi’iyay hanti badan waxa uu ka kacay isla suuqan.

Goobjoog News