U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashashay Madaafiic Maanta Ku Dhacday Muqdisho

Sheeko:Amniga

Tira Hoobiyaal ah ayaa maanta ku dhacay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir oo daris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cade iyo xerada ciidamada Amisom ee Xalane.

Madaafiicda ayaa ku dhacday guryo  ay daganaayeen dad rayid ah iyo mee lagu xanaaneyey Geel oo ka tirsan degmada wadajir gaar ahaan xaafada Tarabuush, oo kaa biga ku hayso xarunta tabarka ciidamada General Dhagabadan, waxaana jira khasaare dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyadeed  isugu jiro.

Inta la aqiijiyey hal qof ayaa geeriyooday halka shan kale uu  soo gaaray dhaawacyo kuwaas oo madaafiicda habowga ah ay ugu tagtay guryahoda sida uu Goobjoog News u sheegeen dad goobjoog ah iyo  ehelada dadkii ay wax soo gaareen” Hoobiyaha meel uu ka imaaday ma naqaano gabadha guriga ayey jiiftay ilmahana barsada ayey jiifeen kii guriga galay ayaa gabadha ku dhacay  labada kale gadaal ayey uga dhaceen  dhaawaceeda culeys waaye kuwo barsada ku jireen gabdho yar yar ahaayeen 14 jir ,13 17 jir iyo 18 jir gabadha guriga ugu dhacay wiilkayga ayaa qabay  kuwa jiifayna gadaal ayey ka soo kaceen oo walashayda ayaa dhashay”

Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa sheegay inuu jiro khaasare hantiyadeed kuwaas oo ka dhashay nadaafiicda habowga ahaa”Waxaa ahay dhalinta xaafada Tarabuush  saakar abaaro 7:30 subaxnimo ayaa xaafada Hoobiyaal ku soo dhaceen dadka ay saamaayeen qofkaan dariskeenaa ayaa ku dhimatay meel dugsiyana wuu ku soo dhacay lakiin ma qarxinn oo ciidamada amniga ayaa ka qaaday, waxaa  jro ku dhowaad 8 neef oo Geel ah oo dhaawac ah haddana waxaan ku sugan nahay xaafad dariska ah oo naloo sheegay in shan ruux ay wax ku noqdeen ” ayuu yiri

Dhanka lae Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas iyaga oo qoraal ay ku soo dhigeen barhooda bulshada waxaa ay ku sheegay in tiro madaafiic ah ay ku weerareen xarunta ciimada Amisom Xalane, waxaana ay intaas ku dareen  in khasaare kala duwan ay geesteen madaafiicda ay ku weerareen xirada Xalane waa sida ay hadalka u dhigeen.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Amiso Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah oo ku aadan madaafiicda maanta ku dhacday agaaraha xerada Xalane kuwaas oo geystay khasaare soo gaaray dad shacab oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiro.

Goobjoog News