U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Ciidamo Xabadeeyey Gaariga Imaamka Mudulood

Sheeko:Amniga

Waxaa la sheegayaa in khasaare uu ka dhashay rasaas lagu furay gaadiid uu la socday imaamka beesha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf.

Gaadiidka Imaamka oo marayey agargaarka maxkmadda gobolka Banaadir ayaa lagu waramayaa iney xabadeeyeen ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo goobta ah.

Inkasta oo khasaare la sheegayo hadana ma jirto cid hey’adaha amniga ah oo ka hadashay.

Imaamka iyo kooxdiisa ayaa ka timid tacsiga General Galaal oo ku geeriyoodey Qarax ka dhacay Hotelka Afrik laba todobaad ka hor .