U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in khasaare nafeed uu ka dhashay dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleed, kaasi oo ka dhacay deegaanno gobolkaasi kamid ah.

Ku dhowaad Shan ruux ayaa ku geeriyootey dagaalkan oo ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Cadale ee gobolka Shabellaha Dhexe, sida ay inoo sheegeen goob joogayaal ku sugan degmadaasi, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Dagaalkan ayaa lasoo sheegayaa inuu salka ku hayo aano qabiil, iyadoo saacadihii ugu dambeeyey siyaabo kala duwan ay Labadan dhinac ugu dagaallameen halkaasi.

Ma muuqato dedaallo nabadeed oo lagu kala dhexgalayo dhinacyada isku haya gobolka Shabellaha Dhexe, walow la sheegayo inuu socdo abaabul ay wadaan Odoyaasha dhaqanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News