U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Dagaal Ceel-Waaq Ku Dhex-maray Ciidamada Kenya Iyo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Kenya iyo Al-shabaab ayaa ka socda  tuulada  Laan-qurac ee u dhaw deegaanka Dhamase ee degmada Ceel-waaq.

Gawaari ciidamada Kenya ay leeyihiin oo ka timid Dhamase kuna jeedey degmada Ceel-waaq ee Gedo ayaa waxaa dhexda lagula eegtay Miino, taas oo sida ay wararka sheegayaan hal baabuur lagu gubey.

Weriyaha Goobjoog News ee deegaanka waxaa uu sheegayaa in dagaalka uu weli socdo, khasaarahana uu intaa ka badan yahay.

Faah-faahinta wixii ku soo kordha kala, Goobjoog News