U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Dagaal Maanta Ka Dhacay Degmada Kaaraan Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Askar ka wada tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna labisnaa dareeska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta ku dagaallamay suuqa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Hal qof oo shacab ah, iyadoo Labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob joogayaal ku sugan Kaaraan ayaa inoo xaqiijiyey in dagaalkaasi uu si lama filaan ah ku bilowday.

Lama oga sababta ay u dagaallameen askartan, waxaana goobta dagaalka uu ka dhacay gaaray ciidan kale oo dowladda ah.

Maamulka degmada Kaaraan iyo taliska Booliiska ee degmadaasi weli ma aanay faah faahin dagaalkan.

Maalmahan dambe, waxaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kusoo badanaya isku dhacyada ciidanka ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News