U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Duqeyn Uu Mareykanka u Geystay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen August 2, waxaa ay sheegeen inay ku dileen 4 ka tirsan Al-shabaab, sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Mareykanka ee Afrika.

“Howl-gal mideysan oo ay fuliyeen dowladda federaalka ah iyo ciidamada Mareykanka oo duqeyn ahaa ayaa laga fuliyay goob 74 miles xagga waqooyi galbeed ka xigta Muqdisho August 2, waxaa lagu dilay 4 Alshabaab ah” sidaa waxaa jimcihii sheegtay  Africom “Waxaa qiimeyn u wadnaa in rayid aanu wax ku noqdon duqeynta” ayaa intaasi la raaciyay.

Ciimada Mareykanka ee AFRICOM waxaa ay la shaqeeyaan AMISOM iyo kuwa Soomaalida waxaa ayna si joogta ah duqeymo uga fuliyaan koonfurta iyo baratamaha Soomaaliya.

Goobjoog News