U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Fatahaad Wabiga Shabelle Ka Geystay Tuulada Xawaadley, Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wabiga shabelle ayaa lagu soo waramayaa in meel cusub oo hor leh uu kaga fatahay Tuulada Xawaadley ee gobalka Shabellaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare hantiyeed.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabellaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya saaka oo Sabti ah in Biyahii kasoo fatahay Wabiga Shabelle ay la tageen Dalag beereed badan.

Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe ayaa billaabay dadaal xooggan oo loogu gurmanayo shacabka deggan Tuulada Xawaadley, waxaana la billaabay carro tuur lagu sameynayo meelaha kale ee loo maleynayo in wabiga uu kasoo fatahi karo.

Tuulada Xawaadley waxay hoostagtaa degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe, waxaana laga baqayaa in saameynta fatahaadda ay intaan kasii badato.

Deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe waxaa fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabelle, iyadoo deegaanadaasi xaalad adag ay ka taagan tahay.

Degmada Mahadaay ee gobalkaasi ayaa inteeda badan waxaa ku fatahay Wabiga, iyadoo dadka degmadaasi ku nool ay haysato xaalad adag oo dhanka Nolosha ah.

Maamulka Gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan gudoomiyaha Gobalkaasi Mr Guudlaawe ayaa Todobaadkii tagay sheegay in musiibo qaran ay ka taagan tahay degmada Mahadaay.

Goobjoog News