U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Tareedisho

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ka soo baxay dagmada Afgooye ee gobalka Shabellada hoose kuna soo jeeday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa  duhurnimadii maanta waxaa qarax lagula beegsaday deegaanka Tareedisho ee duleedka Caasimadda.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miino oo wadada dhinaceeda   la dhigay  ayaa waxa ay haleeshay mid ah gaarigii ay wateen ciidanka dowladda  Somaliya, waxaana jira khasaare uu geystay qaraxa.

 

Saraakiil ammaanka qaabilsan oo tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyay inuu jiro khasaare soo gaaray ciidankii Qaraxa loo dhigay, waxa ay sheegeen ilaa  Saddex askari oo ka ka tirsanaa ciidanka iney dhaawacmeen.

Sidoo kale  markuu qaraxu  dhacay ka dib ciidamada  ayaa riday rasaas badan oo aan geysan khasaare, waxayna sii wateen socodkooda

Ciidanka Booliska qeybta Miina baarista ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaan ku aadan Qaraxan, waxayna horey u sii qaateen Haraadiga Qaraxa.

Goobjoog News