Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay X control, Afgooye

wararka naga soo gaarayo degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya inuu goordhow  ka dhacay Qarax inta u dhaxeyso  X control Afooye iyo Isgooyska Xoosh.

Qaraxa ayaa  ahaa qarax Miino  oo dhulka  lagu aasay, waxa uuna haleelay  gaari ciidanka boliiska ay wateen oo goobta marayay  ahaa nuuca Cabdi bilaha loo yaqaano, waxaana ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah iyo ciidankii qaraxu haleelay.

inta la xaqiijiyay hal ruux oo shacab ah ayaa geeriyooday halka sedex kale ay dhaawacmeen oo ka mid ah uu yahay ciidamada booliska Soomaaliya.

ciidama oo goobta soo gaaray ayaa riday rasaas mana jiraan wax qasaaraa oo ka dhashay,ciidamada ayaana ka sameeyay goobta baaritaan ayagoo goobta lagu baadi doonayo dadkii qaraxa ku aasay , ilaa iyo haddana majiraan cid loo soo qabtay.

Qaraxaan ayaa waxa uu noqonayaa midkii Labaad oo maanta ka dhaca kudaha magaalada Muqdisho, ayadoo saakay barqadii uu qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeyso taalada Daljirka Daahsoon iyo xabsigii hore ee Godka Jilacow.

Goobjoog News

.

inta

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW