Labo Ruux oo Ku Dhaawacantay Qarax Ka Dhacay Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ahna caasimadda Kumeel gaark ah ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka dhacay qarax banbaano gacanta laga tuuray oo ay dad waxyeello ka soo gaartay.

Qaraxan ayaa lala beegsaday askar ka ka tirsan milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa xaafadda Hanti wadaag ee magaalada Jowhar.

Sida wariyeheenna magaalada Jowhar uu xaqiijinayo waxaa cusbitaalka magaaladaas la dhigay labo qof oo midi yahay qof rayid ah oo dhaafac furudi soo gaaray, goobta qaraxana ka agdhawaa, mid kalena uu yahay ciidamadii qaraxa lala beegsaday oo ay dhuunta firir ka gaaray.

Qaraxa ka dib ayaa ciidamadu waxay sameeyeen howlgallo socday muddo saacadaha oo ay ku beegsanayeen dadkii qarax ka dambeeyay, waxaa magaalada laga maqlayay rasaas ay ciidamadu fureen, kadib saakana xaaladdu wey daggan tahay oo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha si caadi ah aay u socdaan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW