U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Roob Ka Curtay Deegaanada Somaliland.

Sheeko:Amniga

Waxaa tan iyo habeennimadii xalay ahayd roobab xooggan ay ka da’ayeen magaalada Oodweyne iyo deegaannada hoostaga ee maamulka Somaliland.

Robabka oo ay ka dhalatay biriq, ayaa la soo warinayaa in ay wax yeello ka soo gaartay qoys dagan inta u dhaxeysa magaalooyinka Oodweyne iyo Xaaxi ee Somaliland.

Wararka naga soo gaarayo ayaa sheegaya in biriq ay ku soo dhacday guri ay daganaayeen qoys ka koobaan 7 ruux, taasna ay sababtay dhimasho iyo dhawaac.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday oo ah hooyada guriga, halka biriqda uu dhaawac ka soo gaaray laba carruur ah oo ay dhashay.

Carruurta ayaa  xaaladdooda caafimaad hadda lagu dabiibayaa isbitaalka wayn ee magaalada Oodweyne, waxaana dhaqaatiirtu ay xaqiijiyeen in mid kamid ah carruurta ay xaaladdiisa ay liidato.

Si kastaba qaar kamid ah deegaannada Somaliland ayaa tan iyo xalay waxaa ka da’aya roobab ay dadka iyo duunyadu ku diirsatay.

Goobjoog News