U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Shil Gaari oo Ka Dhacay Gobolka Nugaal

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Puntland.

Shilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaan 114km u jira magaalada Garowe ee caasimadda Puntland oo lagu magacaabo Daangoronyo, kadib markii uu rogmaday gaari yar oo nuuca raaxada ah.

Gaariga ayaa waxaa la socday sida lagu helayo wararka 5 ruux oo mid kamida ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada madaxtooyada maamulka Puntland.

Waxaa inta la xaqiijiyey shilka ku geeriyootay labo  ruux, waxaana uu dhaawac soo gaaray mid kale, halka labo ruux ay ka badbaadeen shilkaas aysan waxba ku noqonin.

labada ruux ee geeriyootay ayaa midkood waxaa uu yahay sarkaal ka tirsanaa ilaalada madaxtooyada Puntland waxaana lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Xoreeye Gamboon iyo ruuxa kale Maxamed Shiine Birjeeb.

Deegaankaan ayaa waxaa horay dhowr jeer uga dhacay shilal gaari waxaana ugu wacan ayaa la sheegaa in Darawalada gaadiidku aad u ka xeeyaan, taas oo keenta inuu wadada ka baxo.

Goobjoog News