Khasaare Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Shil khasaare kala duwan geystay ayaa maanta ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gaari nooca loo yaqaan UD islamarkaana xamuul sida ayaa la sheegay inuu ku fariin goostay goob  ay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxaana halkaasi ku dhintay Hal qof, iyadoo dhaawac uu soo gaaray qof kale.

Qofka dhintay ayaa ahayd Haweeney la sheegay iney Xaamilo ahayd, waxaana sidoo kale burbur uu soo gaarey xarumo ganacsi oo halkaasi ku yaalla.

Ciidamada ammaanka ee halkaasi ku sugan ayaa ku guuleystay iney gacanta ku dhigaan darwalkii gaarigaaasi wadey, kaasi oo hadda xiran.

Gaadiidka xamuulka qaada oo si xad dhaaf ah loo soo raro ayaa sababa in mararka qaar uu darwalka xakameyn waayo gaariga.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW