U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Weerar Al-shabaab Ka Geysteen Mandhera

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyoodey weerar ay Xarakada Al-shabaab ka fulisay magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Saddex nin oo hubeysan islamarkaana soo xirtay dareeska haweenka ayaa la sheegay iney jidka u galeen gaari uu la socday duqa Mandhera Cali Roba, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad.

Duqa Mandhera iyo ciidanka la socday ayaa xilli saqdhexe ah waxay wadeen kormeer ay ku sameynayaan guud ahaan Mandhera, waxaana la tilaamay in ruuxa dhintay uu ahaa ilaaliye Iskuul.

Guddoomiyaha Mandhera, Fredrick Shisia ayaa warbaahinta u sheegay in ragga ka tirsan Al-shabaab ay damceen iney joojiyaan gaariga uu la socday duqa Mandhera, balse goobta rasaas ay ka billaabatey.

“Waxay isku dayeen iney joojiyaan gaariga oo ciidanka ay saarnaayeen, balse rasaas ayaa meesha ka billaabatey, waxaana halkaasi ku dhintay Hal qof” ayuu yiri Fredrick Shisia.

Al-shabaab ayaa marar badan waxay weeraro ka geysteen deegaanno ka tirsan magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana ay dileen shacabka iyo Askar Kenyan ah.

Goobjoog News