U bood dhigaalka

Khasaarihii Nafeed Ee Ka Dhashay Qaraxyadii Gaalkacyo Oo Sii Kordhay

Sheeko:Dalka

Waxaa sii kordhaaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay Labo qarax oo shalay ka dhacay magaalada Gaaalkacyo gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi.

Saraakiisha caafimaadka Isbitaalka Gaalkacyo ayaa xaqiijiyey geeriday 35 qof oo shacab u badan, sidoo kalena dhaawaca uu ka badan yahay 50 qof.

Dadka dhaawacyada daran qaarkood ayaa lagu soo waramayaa in loo qaadi doono dalka dibaddiisa si loo soo daweeyo.

Waxaa jira dad dhaawacyo halis ah soo gaaray, kuwaasi oo dhaqaatiirtu sheegeen in gudaha dalka waxbo looga qaban karin.

Labadii qarax ee ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo ayaa mid ka mid ah aad ugu dhowaa suuq weyn oo ku yaalla magaaladaasi.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qaraxyadaasi.

Goobjoog News