U bood dhigaalka

Khasaaro ka dhashay Dab ka kacay Suuqa Wajeer

Sheeko:Amniga

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dab ka kacay suuqa wayn ee magaalada Wajeer ee ismaamulka wajeer dalka Kenya, xalay xilli dambe .

Damba oo ka kacay bartamaha suuqa ayaa ku fiday qeybaha kala duwan ee suuqa Wajeer, oo ah mid lagu iibiyo adeegayda kala duwan ee maciishadda, dharka iyo khudaarta.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in maamulka Wajeer ay ku fashilmeen wax ka qabashada dabka oo mudda saacado ah ka socday suuqa.

“Dabka waxa uu geystay khasaaro ilaa hadda aan tira koob rasmi ah lagu sameyn balse lagu howlan yahay in lasoo gudbiyo inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay, Hantida markii ay gubatay kaddib ayaa la keenay Dab damis” ayuu yiri Cabdirisaaq Ibraahim oo kamid ah Guddiga Ganacsatada Suuqa Wajeer, kaas oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da.

Illa iyo hadda maamulka Wajeer wax war ah kama aysan soo saarin dabka habeenimadii xalay ahayd ka kacay suuqa ugu wayn ee magaalada Wajeer.

Goobjoog News