U bood dhigaalka

Khasaaro Ka Dhashay Iska Horimaad Ka Dhacay Magaalada Qudus

Sheeko:Amniga

In ka badan 100 Falastiiniyiin ah iyo 20 booliis Israel ah ayaa lagu dhaawacay iska horimaad rabshado wata oo dhacay habeenimadii xalay, ka dib markii Israa’iiliyiinta midigta-fog ay socod ku mareen Bariga Qudus ee la haysto iyagoo ku dhawaaqayab erayo ka dhan ah Falastiiniyiinta .

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay inay daweeyeen ugu yaraan 105 qof, iyadoo qaar ka mid ah la dhigay isbitaalka.

Booliska Israa’iil ayaa sheegay in 20 sarkaal lagu dhaawacay iska horimaadka , iyadoo saddex ka mid ah loo qaaday isbitaalka.

Rabshadaha ayaa ka qarxay ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka laga soo galo magaalada Old City, isku dhacyada kadib ayeey kooxihii Yahuudda joojiyeen banaanbixi ay wadeen.

Boqolaal booliis Israel ah oo wata dharka rabshadaha ayaa xiray aagga si looga hortago in dadka reer Israel iyo Falastiiniyiintu uu sii xoogeysto rabshadahooda .

13-kii Bishaan ayey aheyd markii sidan oo kale ay Rabshado ay ka dhaceen Magaalada Old City  ,  iyadoo Falastiiniyiintu ay ka cabanayaan in booliisku ay xireen goob caan ah oo ay Falastiiniyiinta isugu yimaadaan Dhamaadka Bisha barakeysan ee Ramadan

“Falastiiniyiintu waxay jecel yihiin inay ku nastaan aaggaan salaadda maqrib kadib Masjidka Al-Aqsa, laakiin Yahuudda ma jecla. , ”ayuu yiri Mohammad Abu al-Homus  oo deggan magaalada Qudus, xilli uu la hadlaya Aljazira News .

GoobJoog